Rasmi: Filimka Jai Simha iyo maalintiisa kowaad lacaga uu keenay dibad iyo dal

Superstar Balakrishna filimkiisa Jai Simha ayaa ganacsi fiican sameeyay maalintiisii kowaadna welina wey u harsan yihiin maal maha fasaxa Koonfur Hindiya oo Axada bilaaban doonaan.

Jai Simha maalintiisa kowaad wuxuu keenay 12.20 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka saami ahaana waxaa laga helay 7.80 Crore waana bilaabasho wanaagsan marka loo fiiriyo in filimkaan 27 Crore kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen.

Fadlan hoos kaga bogo Jai Simha suuq walbo ganacsiga uu sameeyay sida shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam – wuxuu ka keenay 9.80 Crore, saami ahaan waxaa laga helay 6.75 Crore

USA Boxoffice – wuxuu ka keenay 0.80 Crore, saami ahaan waxaa laga helay 0.25 Crore

Karnataka – wuxuu ka keenay 0.80 Crore, saami ahaan waxaa laga helay 0.50 Crore

Hindiya iyo dunida inteeda kale – wuxuu ka keenay 0.80 Crore, saami ahaan waxaa laga helay 0.30 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Laga Helay Dibad+Dal 12.20 Crore, Saamiga Guud Waxaa Laga Helay 7.80 Crore