Filimka Jawaani Jaaneman ayaa rajo yar helay kadib markii yu isniintiisii koowaad sameeyay 40% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad ganacsiga uu keenay.

Jawaani Jaaneman ayaa shalay oo isniintiisii koowaad aheyd soo xareeyay 1.85 crore wuxuuna haatan ganacsigiisa guud mudo 4 maalmood marayaa 14 crore asigoona todobaadkiisa koowaad keeni doono qiyaas ahaan 19 crore.

Filimkaan haduu maalmaha shaqada is celiyo sidoo kalana sidoo kalana uu jimcadiisa labaad hoos u dhac weyn sameynin wali wuxuu heystaa jaanis uu ku badbaado wax walbana waxay ku xirnaan doonaan sida uu u gadmo maalmaha soo socdo.

Halkaan hoose kaga bogo Jawaani Jaaneman iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 3 crore.

Sabti; 4.25 crore.

Axad; 5 crore.

Isniin; 1.85 crore.

Wadarta guud; 14.10 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here