Saif Ali Khan, Tabu iyo Alaya F. filimkooda Jawaani Jaaneman ayaa sare u kac 50% sameeyay Sabtigiisa kowaad ama maalintiisa labaad wuxuuna keenay 4.50 Crore taasi oo ka dhigan in mudo labo maalmood ah filimkan soo xareeyay 7.50 Crore sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Waa arin la filaayay filimka Jawaani Jaaneman sare u kacan inuu sameeyo shalay madaama maal maha Sabti iyo Axad reer magaalka firaaqo heestaan waana filim reer magaalka loogu tala galay waxaana lagu kalsoon yahay maanta oo Axad ahna inuu sii gadmi doono balse tijaabada culus waxay hortaal laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis sida uu filimkan isku celiyo.

Balse filimkan Jawaani Jaaneman wuxuu in badan ka wanaagsan yahay Saif Ali Khan filimadii uu kaligiis hogaamiye ka ahaa sida Laal Kaptan, Bazaar iyo Chef marka laga cabir qaato sida uu haatan filimkan ku socdo waxaana muuqato in mashruucan dadka loogu tala galay ee reer magaalka ah ka heleen.

Fadlan hoos kaga bogo 2-maalmood ugu horeyso filimka Jawaani Jaaneman lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 3 Crore

Sabti – 4.50 Crore

Wadarta Guud – 7.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here