Home » Box Office » Rasmi: filimka Judwaa 2 iyo lacagaha uu keenay mudo 18-maalmood gudaha Hindiya

Rasmi: filimka Judwaa 2 iyo lacagaha uu keenay mudo 18-maalmood gudaha Hindiya

Varun Dhawan filimkiisa Judwaa 2 mudo 18-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay waxaa si rasmi ah usoo bandhigtay shabakada Boxoffice India.

Judwaa 2 todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso wuxuu keenay 7 Crore lacago ku dhow sidoo kalena mudo 10-maalmood wuxuu soo xareeyay filimkaan 127 Crore (Trade Figure).

Judwaa 2 sare u kac xoogan ma sameynin Axadiisa labaad waxaana saameyn ku yeeshay in shacabka ku mashquulsan isku diyaarinta feestada Diwali oo dadka u adeeganayaan ama dukaamada ku mashquulsan yihiin.

Sida hada muuqato Judwaa 2 ma gaari doono ganacsiga filimka Toilet Ek Prem Katha kaasi oo 132 Crore soo xareeyay balse Raees ayuu dhaafi karaa sidaasna wuxuu ku noqon karaa filimka labaad lacagaha ugu badan 2017 soo xareeyay oo ay Bollywood-ka sameeyeen.

Judwaa 2 laga bilaabo Khamiistan tiyaataro kooban ayuu kusoo hari doonaa madaama labada filim Secret Superstar iyo Golmaal Again tiyaatarada la wareegi doonaan.

Fadlan hoos kaga Judwaa 2 lacagaha uu keenay ilaa iminka oo ay shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 94.95 Crore

Todobaadka labaad – 25.48 Crore

Jimco sedexaad – 1.60 Crore

Sabti sedexaad – 2.50 Crore

Axad sedexaad- 2.75 Crore

Todobaadka sedexaad – 6.85 Crore (mudo 3-maalmood)

Wadarta Guud – 127.28 Crore (Trade Figure)

2 Responses to Rasmi: filimka Judwaa 2 iyo lacagaha uu keenay mudo 18-maalmood gudaha Hindiya

  1. Maw

    October 16, 2017 at 11:26 am

    Filimside 6cro unba udhaxeyay xaqiqatan wana uu gari kara isbucan 4malin ayaa uga hartay kuwas kale hadi lasaro macnaheda mahan in tiyatar LA an uu noqonayo xaqiqo hoos ayuu udhacaya balse wan huba inh garayo ama dhafayo wayo filimka aya best ah mida kale nala wadaga lacagaha uu calamka kaso xareyay suaha an is in weydina aya ah gorme tiyatarada laga dajinaya
    MAHADSANIDIIN

  2. Saadaq

    October 16, 2017 at 1:13 pm

    Magaari karo toilet ek prem gatha dal iyo dibadba