
Inaba caadi ma ahan xidiga laga daba dhacay Karthi Sivakumar filimkiisa Kaithi wuxuu noqday mid daawadayaasha siweyn u kasbanaayo inkastoo fagta hore filimka Bigil tiyaatarada ka qabsaday haddana mashruucan fariintiisa heerka sare ah haatan qof walbo ayaa amaanayo daawadayaashana wey kusoo xoomayaan.
Filimka Kaithi wuxuu soo xareeyay 25.68 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal weliba sare u kac xad dhaaf ah ayuu ka sameenayaa gobolka Tamil Nadu ee filimkan laga leeyahay madaama uu haatan 11 Crore kasoo xareeyay.
Muxuu Ku Saabsan Yahay Filimkan: Filimka Kaithi wuxuu ku matalaa Karthi nin xabsi ku jiro oo hal habeen damaanad lagu soo deenayo inta uusan gurigiisa gaarin wuxuu la kulmaa askar shil halis ah la kulmeen oo tuugo waa weyn dili rabaan wuxuuna go’aan ku gaaraa inuu askarta halkaas habeen ku bad baadiyo waana arin cajiib noqotay nin maxbuus ah oo damaanad kusoo baxay askarta garab siinayo.
Fadlan hoos kaga bogo filimka Kaithi iyo suuq walbo lacagaha uu ka keenay sedexdiisa maalmood ugu horeyso xogta rasmiga ah ee la saxay lana fariisiyay:
Gobolka Tamil Nadu – 11 Crore
Gobolka Telugu – 4.45 Crore
Gobolka Karnataka – 1.95 Crore
Gobolka Kerala – 1.78 Crore
Hindiya inteeda kale 0.55 Crore
Wadarta Gudaha Hindiya Lacagta Uu Ka Keenay – 19.18 Crore
Suuqyada caalamka – 5.95 Crore
Wadarta Guud Dibad & Dal Lacagaha Uu Keenay – 25.68 Crore.