Ugu dambeyntii kooxda filimka KGF Chapter 2 waxay shaaca ka qaadeen xiliga rasmiga ah ee filimkan weyn la daawan doono ayadoo haatan Hindiya iyo guud ahaan dunida inteeda badan caabuqa halista badan Coronovirus dhibaato ku haayo.

Haddaba waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay in KGF Chapter 2 la daawan doono 23 October 2020 ama dabyaaqada sanadkan waxaana la sameeyay dib u dhac fog waayo qorshaha wuxuu ahaa markii hore bisha April ee nagu soo fool leh gudaheeda in la daawado.

KGF Chapter 2 waxaa hogaamiye ka ah Rocking Star Yash oo qaybtii labaad Blockbuster taariikhi ah filimkan shirkada Kannada iska leedahay ka dhigay haatana mashruucan waa la balaariyay madaama laadar looga dhigay Sanjay Dutt halka Raveena Tandon iyadana door adag ku leedahay.

Filimkan waxaa Director Prashanth Neel oo sheegay in duubistiisa inta badan soo idlaatay balse dib loogu dhigay daawashadiisa xaalada kacsan ee caalamka ka jirto madaama mashruucan ku dhawaad shan luqadood lagu daawan doono Hindi, Kannada, Tamil, Telugu iyo Malayalam waxaana la rabaa in dhamaan daafaha caalamka laga daawado waana sababta keentay in daawashadiisa KGF Chapter 2 la geeyay dabyaaqada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here