Waan ka xunahay Saif Ali Khan filimkiisa aan hadal heynta xambaarsaneyn Laal Kaptaan wuxuu sameeyay ganacsi aad u liito maalintiisa kowaad asigoo keenay 50 Lakh (Trade Figure) sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday waxaana u suura gali weesay in xitaa 1 Crore uu keeno maalintiisa kowaad.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in filimka Laal Kaptaan xambaarsan yahay miisaaniyad 40 Crore ah sidaa darteed qasaaro lixaad leh ayaa mashruucan lagala kulmi doonaa marka laga eego sida uu ku furmay.

Laal Kaptaan wuxuu noqonayaa filimka 39-aad ee Saif Ali Khan sameeyay midkiisa ugu bilaabashada wanaagsan waxaana filimkan jab iyo ceeb ugu filan inuu maalinta kowaad ku ganacsi yahay filimkii Main Khiladi Tu Anari oo keenay 50 Lakh maalintiisii kowaad 23 Sep 1994 waa mashruuc 25-sano ka hor la daawaday ayuu ku bilaabasho noqday!

Dhinaca kale Laal Kaptaan waxaa shalay oo Jimco ahayd ka bilaabasho wanaagsanaaday filimka Hollywood-ka ah Maleficent – Mistress Of Evil ee Angelina Jolie hogaamiye ka tahay wuxuuna keenay 70 Lakh (Trade Figure) maalintiisa kowaad isaga xitaa bilaabasho wanaagsan lama imaanin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here