Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan filimkooda Love Aaj Kal ayaa bilaabasho wanaagsan la yimid maalintiisa kowaad wuxuuna keenay 11.75 Crore (Trade Figure) sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) halka qolyaha filimkan iska leh baahiyeen maalintiisa kowaad inuu keenay 12.40 Crore (Producer Figure).

Filimka Love Aaj Kal wuxuu maalintiisa kowaad ganacsi ahaan ka faa’iideestay fasixii maalinta Jaceylka aduunka haddii fasaxaas uusan jiri laheyn filimkan lacag ahaan wuxuu keeni lahaa 8.50 Crore waayo 35% ilaa 40% ganacsigiisa maalinta kowaad fasaxa jiray ayaa sare u qaaday si kastabe ay ahaato wuxuu noqday filimkan Kartik Aaryan midkiisa ugu bilaabashada wanaagsan.

Filimka Love Aaj Kal ganacsigiisa ugu adag maalinta kowaad dhanka Waqooyi Hindiya ayuu ka sameeyay halka Mumbai iyo hareeraheeda uu ganacsi dhex dhexaad ah ka sameeyay waxaana laga rabaa filimkan in maanta oo Sabti ah hoos u dhac sameynin lana imaado sare u kac sidoo kalena maalinta berito ah fursad wacan ayuu heestaa madaama maalin nasiino tahay waxayna u badan tahay sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsi wanaagsan inuu sameyn doono.

Dhinaca kale filimka Love Aaj Kal waxaa u suura gashay ganacsi 3 Crore ($419k) inuu suuqyada caalamka ka keeno waana qiyaasta xili hore mana ahan bilaabasho wanaagsan oo ka badan ayaa laga filaayay madaama uu yahay filim jaceyl iyo shactiro isku jiro oo ah fariimaha suuqyada caalamka laga xiiseeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here