Waan ka xunahay filimka Love Aaj Kal hoos u dhac 40% ayuu sameeyay sabtigiisa kowaad halkii uu sare u kici lahaa waxaana muuqato in sheekadiisa daawadayaasha iska diideen xitaa reer magaalkii loogu tala galay marba haddiii maalintiisa labaad hoos u dhac intaan la eg sameeyay filimkan jaceylka ah.

Haddaba filimka Love Aaj Kal wuxuu keenay 7 Crore shalay oo sabti ahayd sida ay shabakada BOI soo daabacday waxayna ka dhigan tahay mashruucan mudo labo maalmood uu soo xareeyay 18.75 Crore (Trade Figure).

Shabakada BOI waxay leedahay Director Imtiaz Ali waa masuul ku caan baxay sameynta aflaanta fariimahooda aan la fahmi karin dad koobana daawadaan weliba filimkiisii Jab Harry Met Sejal ee uu SRK u sameeyay 2017 xitaa wuu fashilmay sidaa darteed Kartik Aaryan iyo Sara Ali Khan oo hormar dhanka fanka ah sameenayeen waxay ku tahay dib u dhac doorashada filimkan u muuqdo inu si deg deg ah ku fashilmaayo.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo maalmood ah lacagaha uu soo xareeyay filimka Love Aaj Kal oo noqday mashruuca si dhaqsi ah daawadayaasha isaga diideen:

Jimco – 11.75 Crore (maalinta jaceylka aduunka)

Sabti – 7 Crore

Wadarta Guud – 18.75 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here