Aditya Roy Kapur iyo Disha Patani filimkooda Malang ayaa Isniintiisa kowaad ganacsi wanaagsan sameeyay wuxuuna keenay 4 Crore sida ay soo daabacday shabakada BOI waxayna ka dhigan tahay filimkan in haatan 28 Crore soo xareeyay mudo 4-maalmood ah wuxuuna todobaadkiisa kowaad keeni doonaa 38 Crore ilaa 39 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana lacago wanaagsan.

Filimka Malang wuxuu sameeyay 40% hoos u dhac Isniintiisa kowaad asigoo 2700 tiyaatar laga daawanayo sidoo kalena filim Action iyo qayaano isku jiro ah hoos u dhacan kooban inuu sameeyo waa arin muujineyso in qaar ka mid ah daawadayaasha filimkan ka heleen kana caawin doono ilaa Khamiista ganacsi ahaan filimkan inuu is celiyo.

Marba haddii Isniintiisa kowaad hoos u dhac weyn sameynin waxay ka dhigan tahay in Malang todobaadkiisa labaad tiyaataro ku filan la siino doono sidoo kalena ka faa’iideesan doono fasaxa Jimcadan magaalooyinka waa weyn Hindiya ka jiro madaama maalinta Jaceylka aduunka tahay 14-ka Febraayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Malang iyo mudo 4-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 6.50 Crore

Sabti – 8.25 Crore

Axad – 9.25 Crore

Isniin – 4 Crore

Wadarta Guud – 28 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka iska yar Shikara ayaa hoos u dhac weyn sameeyay Isniintiisa kowaad wuxuuna keenay 50 Lakh taasi oo ka dhigan mudo afar maalmood ah inuu soo xareeyay filimkan 5 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato inuusan sii socon doonin marba haddii 60% hoos u dhac uu sameeyay Isniintiisa kowaad filimkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here