Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu filimkooda Malang ayaa is celiyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 13.25 Crore (Trade Figure) waxayna ka dhigan tahay wadarta guud mudo labo todobaad ah inu filimkan soo xareeyay 51 Crore (Trade Figure) sida ay shabakada BOI soo daabacday.

Malang wuxuu ka faa’iideestay todobaadkiisa labaad fashilka ku habsaday filimka Love Aaj Kal sidaa darteed fursad wacan ayuu heestaa oo uu 55 Crore ku gaari karo waana barta uu filimkan ku bad baadi karo kuna noqon karo AVERAGE waxayna u badan tahay todobaadkiisa sedexaad inuu bartaan gaari doono inkastoo tiyaatarada lagu yareen doono madaama labo filim hor leh Jimcadan masraxa soo koreen.

Filimka Malang wuxuu xambaarsan yahay miisaaniyad gaareyso 50 Crore ilaa 60 Crore lacagtaas 35 Crore ilaa 40 Crore qolyaha filimkan iska leh waxay ka heleen xuquuqaha ay iibiyeen sida Satellite-ka, Digital-ka iyo muusigada haatana waa hubaal 30 Crore saami ahaan inay ka heli doonaan ganacsiga dibad iyo dal uu ka sameeyay filimkaan taasi oo ka dhigan doonto qarashaadkiisa dib inuu usoo celiyay kadibna uu noqon doono filim guuleestay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Malang iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 37.72 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 13.35 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 51.07 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Shikara ee fariinta qadiyada Kashmir iyo jacel isku jiray xambaarsanaa gabi ahaanba wuu bur buray todobaadkiisa labaad madaama uu keenay 90 Lakh todobaadkiisa labaad waxayna ka dhigan tahay wadarta guud mudo labo todobaad ah inuu filimkan soo xareeyay 7.14 Crore (Trade Figure) waana filim siweyn u bur buray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here