Filimka Malang ayaa shalay sare u kac 30% sameeyay wuxuuna keenay 8.25 ilaa 8.50 crore asigoona haatan wadartiisa guud mudo 2 maalin maraayo 14.75 crore.
Malang sare u kac fiican ayuu sameeyay markii la fiiriyo in filimka Thriller yahay waana nooca filim aan laga fileynin sare u kac noocaas ah balse ganacsigiu uu jimcadiisii koowaad sameeyay ayaa feylaha ku dhagan filimkaan waxayna aheyd in 50% sare u kac sameeyo.
Filimkaan waa inuu maanta oo axad ah sare u kac kale sameeyaa waxaana muhiim ah in maanta uu sare u kac midkii shalay lamid ah sameeyo sidoo kalana isniinta uusan hoos u dhac weyn sameynin markaas ayuu filimkaan wadada guusha cagta saari doonaa.
Halkaan hoose kaga bogo lacagaha uu filimkaan keenay mudo 2 maalmood;
Jimce; 6.50 crore.
Sabti; 8.25 crore.
Wadarta guud; 14.75 crore.