Aditya Roy Kapur & Disha Patani filimkooda Malang ayaa ganacsi ahaan is celiyay Jimcadiisa labaad wuxuna keenay 2.25 Crore (Trade Figure) sida ay shabakada BOI soo daabacday balse waxaa u fiicnaan laheyd inu 3 Crore laakiin waa ganacsi la aqbali karo marka la fiiriyo in shalay tiyaatarada ugu badan ee Multiplex-ka ah la wareegay filimka Love Aaj Kal.

Filimka Malang haatan wuxuu soo xareeyay 40.25 Crore ($5.62m) lacagta nadiifka ah shabakada BOI soo daabacday mudo 8-maalmod ah wuxuna filimkan heestaa fursad walbo oo uu 55 Crore ilaa 60 Crore ku gaari karo kadibna ku noqon karo filim guuleestay oo AVERAGE ah.

Filimka Malang wuxuu dadaalay marka laga cabir qaato in Aditya Roy Kapur hogaamiye ka yahay oo xiligaan ka mid ahayn atoorayaasha aflaanta gadi karaan in ganacsigan wanaagsan sameeyo waxay u tahay wiilkan guul u gaar ah oo uu isaga gaaray.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 8-maalmood ah ganacsiga uu soo xareeyay filimka Malang oo ay soo daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 38 Crore (qiyaas)

Jimco labaad – 2.25 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 40.25 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Malang mudo 8-maalmood ah suuqyada caalamka wuxuu kasoo xareeyay 7 Crore ($987k) waana ganacsi liito sidoo kalena mashruucan ganacsigiisa dibad & dal markii la isku daro mudo 8-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 55.50 Crore ($7.75m) waana lacagta qiyaas ahaan sida aan wararka hordhaca ku heleyno ee ma ahan lacag rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here