Filimka Malang waxaa si rasmi ah loogu soo fasaxay barta Netflix haatana si Online ahaan ayaa loo daawan karaa qofkii u baahan sidoo kalena waa hubaal in si deg deg ah Af Soomaali looga soo dhigi doono marba haddii Internet-ka lagu soo fasaxay filimkan si Digital ah asigoo nadiif ama HD ah.

Sidaa darteed habakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo Update gareesay xogta filmka Malang oo dhameestiran wuxuuna ka mid yahay filimada ugu waa weyn Bollywood-ka la imaadeen ayadoo fariin ahaan mashruucan laga wada helay.

Haddaba Malang wuxuu noqday filim si rasmi ah ganacsi ahaan u guul dareestay oo natiijadiisa tahay Below Average wuxuuna lumiyay waxyar lacagihiisa. Mashruucan guul wacan ayuu gaari lahaa balse miisaaniyadiisa ayaa badneyd iyo sidoo kale asigoo firaaqo badan helin madaama todobaadkii la saaray todobaadyadii xigeen marwalbo filim cusub soo baxaayay.

Malang waxaa wada jileen: Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor iyo Kunal Khemu

Director: Mohit Suri

Waqtiga la daawaday: 7 Feb 2020

Tiyaatarada la saaray – 2750

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay – 57.96 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 64 Crore

Saamiga laga helay – 26.98 Crore

Tirada tikit u goosteen – Xogtaas weli lama sixin, madaama tiyaatarada xiran yihiin.

Sicirka maanta lacagtiisa maxay u dhigantaa – 57.96 Crore.

Natiijadiisa rasmiga ah: Below Average (Filim guul dareestay oo 10% ilaa 20% lacagtiisa lumiyay)

Ganacsigiisa suuqyada caalamka – $2.05m

Ganacsigiisa dibad & dal – 83.42 Crore

Qiimeynta sheekadiisa – 6.7/10 IMDb Rating

2 COMMENTS

    • Waa sax midaas xiligaan la joogo filim walbo qolyaha iska leh macaash ayay ka helaan xafladna wey dhigtaan, waxaana ugu wacan dalqiga xuquuqdaha kala duwan kasoo galo. Balse xogtaan waxay ka hadleysaa ganacsiga tiyaatarka oo kaliya waana halka uu Malang ku fashilmay oo qasaaro xadidan lagala kulmay. Waana arin kala duwan daqliga guud kooxda iska leh soo galo iyo si gaar ah filimka tiyaatarka waxa uu ka sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here