Superstar Akshay Kumar filimkiisa Mission Mangal weli ganacsi wanaagsan ayuu sameenayaa wuxuuna keenay 6 Crore ($845k) wuxuuna haatan wadarta guud mudo 28-maalmood ah ama afar todobaad ah soo xareeyay filimkan 192.50 Crore ($27.12m) oo nadiif ah sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Filimka Mission Mangal wuxuu ku istaagi doonaa 195 Crore cimri ahaantiisa waana Akshay Kumar filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo lacagta nadiifka ah canshuurta kadib balse marka laga hadlaayo Gross Money ama canshuurta ka hor waxaa ka badan 2.0 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday oo keenay 236 Crore halka Mission Mangal canshuurta ka hor keeni doono 230 Crore.

Mission Mangal wuxuu Mumbai kasoo xareen doonaa 64 Crore halka Delhi/UP uu ka keeni doono 41 Crore si gaar ah Mumbai wuxuu ka sameeyay ganacsiga ugu badan filim Akshay hogaamiye ka yahay ka sameeyo halka Delhi/UP uu kaalinta labaad ka galaayo madaama uusan gaari karin 2.0 oo suuqaas ka keenay 45 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 4-todobaad ah filimka Mission Mangal lacagaha uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 122.82 Crore (mudo 8-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 48.95 Crore

Todobaadka sedexaad – 14.72 Crore

Todobaadka afaraad – 6 Crore

Wadarta Guud – 192.49 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Mission Mangal iska leh waxay shaaca ka qaadeen in mashruucooda 200 Crore ($28.18m) mudo afar todobaad ah darajadan ku gaaray sidoo kalena yahay Akshay Kumar filimkiisa ugu horeeyay ee darajada 200 Crore Club gaaro.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Mission Mangal mudo 4-todobaad ah ganacsiga uu sameeyay oo ay soo daabaceen kooxda filimkan iska leh:

Todobaadka kowaad – 128.16 Crore (mudo 8-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 49.95 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.03 Crore

Todobaadka afaraad – 7.02 Crore

Wadarta Guud – 200.16 Crore (Producer Figure)

Waan tixgalineynaa kooxda filimkan iska leh in Mission Mangal ay shaaca ka qaadeen inuu 200 Crore soo xareeyay balse ana Filimside ahaan waxaan adeegsanaa shabakada dhex dhexaadka ah Boxoffice India (BOI) lacagaha y baahiso waxayna ku sheegtay in filimka MM keenay 192.50 Crore mudo 4-todobaad ah.

Farqiga u dhaxeeyo labada dhinac waa 7.50 Crore waana farqi aad u badan oo ah 4% inay badan yihiin kooxda filimkan iska leh.

Sababta aan BOI u adeegsano waxay tahay in shabakad dhex dhexaad tahay sidoo kalena 16-sano ka badan wadaan baahinta ganacsiga aflaanta waagii horena shabakadan oo kaliya lacagaha ay baahiso ayaa la wada qaadan jiray laakiin markii ay bilaabatay sheekada ah 100 Crore Club ama 100 Crore noqotay wax lagu tartamo oo Aamir Khan sanadii 2008 bilaabay waxaa soo baxay nidaamkan cusub oo ah Producer Figure in qof walbo filimkiisa uu iska leeyahay baahiyo lacagaha uu soo xareeyay.

Ujeedka laga leeyahay waxay tahay in filim soo saare kasto mashruuciisa isaga buun buunisto darajo uusan gaarina filimka gaarsiiyo haddii 50 Crore waxyar kaga harsan yihiin soo daabaco in filimkiisa 50 Crore gaaray, haddii 100 Crore waxyar kaga harsan yihiin liiska 100 Crore Club ku darsado haddii 200 Crore waxyar kaga harsan yihiina liiska 200 Crore Club filimkiisa ku darsado.

Sidaa darteed Filimside oo ah shabakada ka dhaxeyso dadk Af Soomaaliga ku hadlo waxaa nala qumanaatay inaan adeegsano shabakada Boxoffice India (BOI) nidaamka ay lacagaha u baahiso ee loo yaqaan (Trade Figure) si aan dhex dhexaad u noqono oo muran kaga fogaano.

Gunaanad: Balse BOI xitaa 100% ma sax sano iyaga xitaa wey qirayaan midaas waxayna leeyihiin dabagal-ka aflaanta lacagahooda gobol walbo ma sahlano sidaa darteed waxay sameeyaan gobolada hormarsan tiyaatarada ku yaalo xogtooda la heli karo ayay Sample ahaan ku dabaqaan gobolada fog fog ee xogta lacagaha filimada 50% la heli karo inta kalena qiyaas ayay sameeyaan kadib ayay gadaal ka saxaan waana sababta keento BOI filim lacag ay ku sheegaan maalinta kowaad ama todobaadka kowaad inuu keenay dib ka badalaan marka ay xog saxan helaan ayay dib u badalaan lacagaha ay marka hore shaaca ka qaadeen.

Mahad sanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here