Home » Box Office » Rasmi: Filimka NOTA iyo sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: Filimka NOTA iyo sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay

Vijay Devarakonda xidiga Tollywood haatan ku qabsaday filimada Arj Reddy iyo Geetha Govindam ee Blockbuster-ka u noqdeen waxaa tiyaatarada u saaran filimka arimaha siyaasada iyo qayaanada ka hadlaayo NOTA.

Haddaba shabakada Andhara Boxoffice ayaa soo daabacday in filimka NOTA uu keenay 25.20 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray sidoo kalena kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay filimkan ka heleen 11.50 Crore.

Filimka NOTA kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 25 Crore waxaana xusid mudan in filimkan luqadaha Tamil iyo Telugu lagu daawaday taasi oo muujineyso in Vijay Devarakonda sidoo kale shacbiyad ku yeeshay dhulka Tamil halka awal caanimadiisa ku ekeyd Telugu oo kaliya.

Fadlan hoos kaga bogo filimka NOTA iyo suuq walbo walbo ganacsiga uu ka sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso sida ay soo daabacday shabakada Andhara Boxoffice:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 11.10 Crore, saamiga laga helay 7.20 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.45 Crore, saamiga laga helay 0.95 Crore

Gobolka Tamil Nadu wuxuu ka keenay 4.80 Crore, saamiga laga helay 1.85 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 5.15 Crore, saamiga laga helay 0.85 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.70 Crore, saamiga laga helay 0.65 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay Dibad & Dal 25.20 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay 11.50 Crore

One Response to Rasmi: Filimka NOTA iyo sedexda maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay

  1. Inj haadi Reply

    October 8, 2018 at 10:39 pm

    Sxb waxan kaa codsana ina ila wadaagto filmka weyn ee rajahindustani
    Mac luumad ku sabsan
    Mahadsanid sab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *