Home » Box Office » Rasmi: filimka October iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: filimka October iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

Sida shabakada BOI soo daabacday filimka October ayaa keenay 2.50 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay filimkaan 45% hoos u dhac ah marka ganacsigiisa maalinta kowaad uu sameeyay lala bar bar dhigo.

45% hoos u dhac Isniinta kowaad waa arin wanaagsan balse filimkaan maalintiisii kowaad ganacsigiisa uu liitay sidaa darteed waxaa u wanaagsaneyd October inuu Isniintiisa kowaad keeno 3 Crore ugu yaraan.

Varun Dhawan filimkiisa haatan 21.50 Crore (Trade Figure) ayuu keenay mudo afar maalmood ah waxaana muuqato qiyaas ahaan todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 26 Crore ilaa 26.50 Crore.

Kadib October rajadiisa waxay ku xirnaan doontaa sida uu Jimcadiisa labaad isku celiyo waxaana laga rabaa inuu sii gar guurto uu uu 40 Crore ka talaabsado si uu u noqdo mashruuc guuleestay oo Average ah.

Fadlan hoos kaga bogo afarta maalmood ee ugu horeyso iyo October ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 4.50 Crore (Qiyaas)

Sabti – 7 Crore (Qiyaas)

Axad – 7.50 Crore (Qiyaas)

Isniin – 2.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 21.50 Crore (Trade Figure)

Varun Dhawan filimkiisa shan ilaa lix magaalo ayuu ka gadmayaa waana filimkiisa fariin ahaan ugu xadidan madaama Hindiya dhan aan laga daawaneyn sidaa darteed haddii uu Average noqdo waa guul weyn waxaana lagaa wiilkan hormarka wacan sameenayo hadda kadib inuu iska ilaaliyo sameynta filimada fariimahooda xadidan yihiin.