Home » Box Office » Rasmi: Filimka October iyo mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: Filimka October iyo mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay

Varun Dhawan filimkiisa October ayaa ganacsigiisa sare u kac sameeyay labadiisa maalmood ee ugu dambeesay kadib markii maalintiisii kowaad uu ganacsi liito sameeyay.

October ayaa keenay 19 Crore (Trade Figure) sedexda maalmood ee ugu horeyso inkastoo ganacsigaan gaabis yahay hadana rajo wanaagsan ayaa laga qabaa filimkaan maal maha shaqada inuu is celiyo.

October axadiisa kowaad wuxuu keenay 7.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena filimkaan sabti iyo axad sare u kac ayuu sameeyay waana filim reer magaalka kaliya daawanayaan.

October dhaqaale ahaan waa mid gacan amaan ah ku jiro waayo 35 Crore oo ah lacagaha lagu qarash gareeyay filimkaan kooxda iska leh dib ayay u heleen madaama xuquuqaha Digital-ka iyo Satelite-ka ay lacag fiican ku iibsadeen Amazon.

Laakiin culeeska wuxuu dhabarka kaga dhacayaa kooxda cajaladaha qeybiyaan oo filimkaan ka doonayaan inuu tiyaatarada lacag wacan kasoo xareeyo madaama Varun Dhawan hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos kaga bogo October iyo mudo sedex maalmood lacagaha uu keenay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 4.50 Crore (Qiyaas)

Sabti – 7 Crore (Qiyaas)

Axad – 7.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 19 Crore (Trade Figure)

2 Responses to Rasmi: Filimka October iyo mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay

  1. hamad Reply

    April 16, 2018 at 12:01 pm

    filimside intaydaan nala wadagin la tartan filimside waxay aheed inaad no so gudbisaan qimaha filimka lugu sameyay waad no q👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹👹

  2. hanad Reply

    April 16, 2018 at 12:01 pm

    qariseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *