Shabakada Boxoffice India (BOI) waxay waqti u heleysaa Update gareenta iyo sixitaanka filimadii sanadii 2018 soo baxeen madaama shabakadan haatan ku mashquulsaneyn dabagalka aflaanta masraxa saaran waayo tiyaatarada Hindiya waa kuwo xiran.

Sidaa darteed BOI waxay soo daabacday xogta dhameestiran ee filimka October ee Varun Dhawan hogaamiye ka ahaa sidoo kalena waa filimkii ugu horeeyay ee varun FLOP ka noqdo taasi oo ka dhigan 6-sano marka uu Bollywood-ka ka tirsanaa in wiilkan guuldaro loo diiwaan galiyay.

Fadlan hoos kaga bogo macluumaadka filimkan oo dhameestiran laguna soo daabacay keedka BOI:

Jilaayaasha: Varun Dhawan, Banita Sandhu, Geetanjali Rao & Isha Chaturvedi.

Director: Shoojit Sircar

Waqtiga la daawaday: 20 April 2018

Tiyaatarada la saaray: 1600

Nidaamka uu ku furmay: Si liidato (Poor Opening)

Maalinta kowaad ganacsigiisa: 4.18 Crore

Sedexda maalmood ugu horeyso: 17.41 Crore

Todobaadka kowaad – 25.37 Crore

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay: 37.11 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 33 Crore

Saamiga laga helay qolyaha cajaladaha qeybiyaan: 17.44 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor: 47.22 Crore

Suqyada caalamka ganacsigiisa:$1.19m

Ganacsigiisa dibad & dal la isku daray: 54.98 Crore

Tirada tikit u goosatay gudaha Hindiya: 3-milyan & 258,000 oo qofood.

Inta todobaad uu masraxa Hindiya saarnaa: 7-todobaad ama 49-maalmood.

Natiijadiisa rasmiga ah: FLOP (Saamigiisa dibad & dal laga helay wuxuu ahaa mid liitay)

Qiimeynta sheekada: 7.5/10 IMDb rating

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here