Home » Box Office » Rasmi: filimka Padmaavat iyo Axadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: filimka Padmaavat iyo Axadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay

Filimka weyn Padmaavat ayaa ganacsi adag weli sameenayo waxaana u suura gashay Axadiisa sedexaad inuu keeno 8 Crore (Trade Figure).

Padmaavat asigoo filimka Padman loolan kala kulmaayo hadana waxaa u suura gashay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso inuu keeno 17.75 Crore (Trade Figure) taasi oo muujineyso in filimkaan uusan hakaneyn.

Filimka Padmaavat ganacsigiisa guud wuxuu marayaa 242 Crore (Trade Figure) sidoo kalena sare u kac wacan ayuu sameyn doonaa madaama todobaadkan maal maha Talaado iyo Arabaco fasaxyo ka jiraan gudaha Hindiya.

Padmaavat wuxuu noqday Director Sanjay Leela Bhansali filimkiisa loogu jecel yahay dhawaanahan ee Hindiya laga soo wada dhaweeyo waayo awal filimadiisa gobolka Maharashtra oo xarun u tahay Mumbai iyo Koonfurta ayay ka gadmi jireen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Padmaavat ganacsiga uu ilaa haatan sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 64.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 6.25 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 8 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 17.75 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 241.97 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)