Rasmi: filimka Padmaavat iyo Jimcadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay ma hakanaayo filimkaan

Filimka weyn Padmaavat ayaa markale ganacsi adag sameeyay Jimcadiisa sedexaad wuxuuna keenay 3.50 Crore (Trade Figure).

Wadarta guud ganacsiga Padmaavat haatan wuxuu marayaa 228 Crore (Trade Figure) waxaana la rajeynaa maal maha sabtiga iyo axada inuu ganacsi adag sameyn doono.

Inkastoo filimka Padman uu tiyaatarada heesto hadana Padmaavat tiyaataro ku filan ayuu heestaa waxaana laga fahmi karaa jimcadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay awgeed in mashruucaan todobaadkiisa sedexaad ganacsiadag sameyn doono.

Waa markii ugu horeesay filim Director Sanjay Leela Bhansali iska leeyahay ee ganacsi weyn ka sameeyo Waqooyiga Hindiya haatana waxaa muuqato in Padmaavat Delhi / UP iyo East Punjab wadar ahaan ka keeni doono 75 Crore waayo inta badan filimada Bhansali Mumbai iyo Koonfurta Hindiya ayay ka gadmi jireen.

Fadlan hoos kaga bogo Padmaavat ganacsiga guud ee uu ilaa haatan sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 64.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 227.72 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)