Home » Box Office » Rasmi: filimka Padman iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Rasmi: filimka Padman iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa ayaa ganacsi wacan sameeyay labadii maalmood ee ugu dambeesay sabti iyo axad wuxuuna keenay 8 Crore todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsigiisa guudna mudo 10-maalmood haatan wuxuu marayaa 71 Crore (Trade Figure).

Padman wuxuu ku wanaagsan yahay magaalooyinka waa weyn asigoo Mumbai ka keenay 24 Crore halka Delhi/UP uu kasoo xareeyay 14.50 Crore dabcan bandhigiisa Mumbai waa mid wanaagsan laakiin waxaa yara ragaadiyay filimkana in ganacsigiisa Waqooyiga uusan joogin heerkii laga filaayay ayadoo Akshay halkaas taageero balaaran ku leeyahay laakiin fariinta filimkan ayaa ah mid xadidan.

Padman waa filim guuleestay laakiin lama hubo inuu Hit dhameestiran noqon doono sidoo kalena waxaa soo idlaatay musal salkii Akshay Kumar waday oo ahayd in 5-filim oo isku xigtay Hit dhameestiran u noqdeen sidoo kalena 100 Crore mid walbo soo xareenayay madaama Padman 80 Crore ilaa 85 Crore ganacsigiisa ku istaagi doono.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 10-maalmood ganacsiga uu sameeyay filimka Padman sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 62 Crore (Qiyaas)

Jimco labaad – 2 Crore (Qiyaas)

Sabti labaad – 3 Crore (Qiyaas)

Axad labaad- 3.75 Crore (Qiyaas)

Todobaadka labaad – 8.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 70.75 Crore (Trade Figure)

3 Responses to Rasmi: filimka Padman iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

  1. Mustafe Xasan

    February 19, 2018 at 10:39 am

    Filinka Imisa lacagaaa loooga Baaahan Yahay inuuu Keeno si Uuu u Noqdo Hit Mida Kale Imisaaa Lacag Lagu Sameeyey intaaas Ha Lay Sheego

  2. Awliyo

    February 19, 2018 at 4:28 pm

    Filimside Lkn suaalaha filimkan ku saabsan waad iska indho tiraysaan welina idinkama hayno sida uu Hit dhamaystiran ku noqon karo

    • Ali Aadan

      February 19, 2018 at 4:44 pm

      Pad Man waxuu Hit Dhamestiran ku noqon karay qayaas ahaan marka uu 100 Crore ganacsigiisa sare u dhaafo balse midaas hada ma muuuqato weyna adagtahay inu Pad man 100 Crore gaaro