Home » Box Office » Rasmi: filimka Padman iyo sabtigiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: filimka Padman iyo sabtigiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Padman ayaa sare u kac 50% sameeyay sabtigiisa labaad marka lala bar bar dhigo jimcadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay waana sare u kac aad u wanaagsan.

Padman sabtigiisa labaad wuxuu keenay 3 Crore sida shabakada BOI soo daabacday wadartiisa guudna wuxuu haatan marayaa 67 Crore (Trade Figure) mudo 9-maalmood.

Padman ganacsi ahaan wuxuu ku wanaagsan Mumbai, Pune, Bangalore iyo Kolkatta laakiin suuqyada Kumar ku awood badnaan jiray sida Waqooyiga, Gujarat iyo bartamaha filimkan wuu ku liitaa waana sababta keeneyso inuusan 100 Crore gaari karin cimri ahaantiisa.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 9-maalmood filimka Padman ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay:

Todobaadka kowaad – 62 Crore (Qiyaas)

Jimco labaad – 2 Crore (Qiyaas)

Sabti labaad – 3 Crore (Qiyaas)

Todobaadka labaad – 5 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 67 Crore (Trade Figure)