Home » Box Office » Rasmi: filimka Padman iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: filimka Padman iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

Filimka Padman ayaa shalay (Talaado) ka faa’iideestay fasixii feestada Mahashivratri ee gobolada qaar Hindiya ka jiray wuxuuna keenay 6 Crore (Trade Figure) maalintiisa shanaad.

Wadarta guud filimka Padman haatan mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay 51 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay sare u kac wacan maalintii shalay ahayd.

Filimka Padman sidoo kale maanta wuxuu ka faa’iideesan doonaa fasaxa maalinta jaceylka aduunka ayadoo dhalinyaro badan usoo daawasho tagi doonaan.

Sida muuqato Padman todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 60 Crore kadibna halka uu sii aadi doono todobaadka dambe ganacsiga uu sameeyo ayaa lagu qiyaasi doonaa cimri ahaantiisa laakiin hada wuxuu u muuqdaa filim ay ku adkaan doonto inuu darajada 100 Crore gaaro.

Fadlan hoos kaga bogo Padman ganacsiga uu sameeyay mudo shan maalmood ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 10 Crore

Sabti – 13.50 Crore

Axad – 16 Crore

Isniin – 5.75 Crore

Talaado – 6 Crore

Wadarta Guud – 51.25 Crore (Trade Figure)

Padman wuxuu ganacsi wacan ka sameenayaa Mumbai iyo Pune sidoo kalena Waqooyiga Hindiya ganacsi wacan ayuu ka sameenayaa laakiin uma gadmaayo sida Akshay Kumar aflaantiisa lagu yaqiinay oo kale sidoo kalena gobolada Bihar iyo CI ganacsi gaabis ayuu ka sameenayaa.

2 Responses to Rasmi: filimka Padman iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

  1. Mahad deeraaw aadan

    February 14, 2018 at 11:27 am

    Waanku faraxsanahay guusha akshey Kumar Ee filimka
    Badman oo guuleystay lkn wali akshey Kumar
    Madoorta filimaanta waaweyn

  2. Abdulaahi Yuusuf

    February 14, 2018 at 12:52 pm

    filimside siduu ayuu hit iyo super hit ku noqon karaa hadase natiijadiisa maxay tahay