Rasmi: filimka Padman iyo todobaadkiisa labaad ganasiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Padman ayaa 78% hoos u dhac sameeyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 13.50 Crore (Trade Figure).

Padman mudo labo todobaad wadarta guud wuxuu keenay 75.50 Crore (Trade Figure) waxayna u egtahay 80 Crore ilaa 85 Crore inta u dhaxeyso ganacsigiisa inuu ku istaagi doono.

Padman ganacsigiisa ugu wacan wuxuu ka sameeyay Mumbai, Pune, Bangalore iyo Kolkata weliba halkaas wuxuu ganacsi ahaan kala mid yahay Akshay filimkiisii Jolly LLB 2 oo cimri ahaantiisa 100 Crore sanadkii hore dhaafay.

Balse Padman wuxuu ku liitaa waqooyiga Hindiya halka Jolly LLB 2 sanadkii hore waqooyiga siweyn kaga gadmay waana sababta keentay in Padman ganacsigiisa cimri ahaan Jolly LLB 2 gaari karin.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad ganacsiga uu sameeyay filimka Padman sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 62 Crore (qiyaas)

Todobaadka labaad – 13.50 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 75.50 Crore (Trade Figure)