Home » Box Office » Rasmi: filimka Padmavaat iyo Talaadadiisa 3-aad ganacsiga uu sameeyay weli dar dartiisa wey socotaa

Rasmi: filimka Padmavaat iyo Talaadadiisa 3-aad ganacsiga uu sameeyay weli dar dartiisa wey socotaa

Filimka Padmaavat ayaa ganacsi wacan sameeyay maalintii shalay ahayd (Talaado) wuxuuna ka faa’iideestay fasaxii feestada Mahashivratri  ee gobolada qaar ka jiray.

Sida shabakada BOI xaqiijisay Padmaavat wuxuu keenay 3.50 Crore (Trade Figure) Talaadadiisa sedexaad taasi oo ka dhigtay in ganacsigiisa guud uu haatan maraayo 248.75 Crore (Trade Figure) sidoo kalena maanta ayuu darajada 250 Crore gaari doonaa.

Maanta feestada Mahashivratri  meelaha qaar wey ka jiri doontaa iyo sidoo kalena feestada maalinta jaceylka aduunka taasi waxay sii caawin doontaa Padmaavat inuu Arbacadiisa sedexaad ganacsi heer sare ah sameeyo.

Padmaavat todobaadkiisa sedexaad mudo shan malmaado ah wuxuu ku keenay 24.50 Crore waana qasab inuu 30 Crore keeni doono todobaadkiisa sedexaad oo kaliya!

Padmaavat wuxuuna noqon doonaa filimka 5-aad ee todobaadkiisa sedexaad 30 Crore iyo ka badan keeno waxaana darajadan kaga horeeyeen filimada Baahubali 2, Dangal, PK iyo 3 Idiots.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Padmaavat ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 159.47 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 64.75 Crore (Qiyaas)

Jimco sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 6.25 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 8 Crore (Qiyaas)

Isniin sedexaad – 3.25 Crore (Qiyaas)

Talaado sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 24.50 Crore (mudo 5-maalmood ah) (Qiyaas ahaan)

Wadarta Guud – 248.72 Crore (Trade Figure) (Qiyaas)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *