Kichcha Sudeep iyo Suniel Shetty filimkooda Pailwaan ee shirkada Kannada iska leedahay ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay maalintiisa kowaad madaama uu keenay 10.80 Crore ($1.52m) waa ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

Pailwaan maalintiisa kowaad waxaa lagu daawaday luqadaha Tamil, Telugu iyo Kannada waana ganacsi wanaagsan bandhiga uu sameeyay marka laga cabir qaato in Khamiis oo maalin shaqo ah la daawaday waxaana la rajeynaa in Jimco ilaa Axad ganacsigiisa sare u kac sameyn doono madaama fariintiisa aad loo amaanayo.

Filimka Pailwaan wuxuu gudaha Hindiya ka keenay maalinta kowaad 8.80 Crore canshuurta ka hor dhamaan luqadaha lagu daawaday sidoo kalena lacagtiisa nadiifka ah waxay noqoneysaa 746 Crore waa canshuurta kadib. halka suuqyada caalamka uu kasoo xareeyay 2 Crore waxaana la rajeynaa in sare u kac xoogan suuqyada caalamka ka sameeyo laga bilaabo maanta marka qaybta Af Hindiga daawashadiisa la fasaxo.

Filimka Pailwaan suuq walbo maalinta kowaad ganacsiga uu ka sameeyay fadlan hoos kaga bogo:

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay – 7.50 Crore

Gobolka Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay – 0.50 Crore

Gobolka Tamil Nadu wuxuu ka keenay – 0.38 Crore

Hindiya inteeda kale wuxuu ka keenay – 0.42 Crore

Wadarta Guud gudaha Hindiya wuxuu ka keenay – 8.80 Crore

Suuqyada caalamka wuxuu ka keenay – 2 Crore

Wadarta Guud dibad & dal wuxuu keenay – 10.80 Crore

Filimka Pailwaan wuxuu xambaarsan yahay 50 Crore ($7.04m) waxaana laga rabaa inuu sare u kac xoogan sameeyo Jimco ilaa Axad si uu mashruuc guuleesto u noqdo waana lagu kalsoon yahay inuu sidaas sameyn karo madaama fariintiisa aad loo amaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here