Kichcha Sudeep iyo Sunie Shetty filimkooda Pailwan ayaa ganacsi wanaagsan sameenayo maal maha shaqada waxaana u suura gashay Isniintiisa kowaad inuu keeno 3.60 Crore ($501k) ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuuna haatan wadarta guud soo xareeyay 34 Crore ($4.73m) ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray mudo 5-maalmood ah.

Pailwaan wuxuu aad ugu wanaagsan yahay gobolka mashruucan laga leeyahay Karnataka asigoo mudo 5-maalmood ka keenay 25 Crore waana ganacsi heer sare ah sidoo kalena deegaankiisa mashruucan wuu ka guuleestay.

Filimka Pailwaan iyo mudo 5-maalmood ah deegaan walbo lacagaha uu ka keenay fadlan hoos kaga bogo balse xogtaan 100% sax ma ahan weli sixitaan ayaa ku socdo ilaa haatana kooxda iska leh ma aysan baahinin mashruucan lacagaha uu soo xareeyay:

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay – 25 Crore

Qaybta Af Hindiga lagu daawanayo – 2.40 Crore

Qaybta Af Telugu lagu daawanayo – 2.20 Crore

Qaybta Af Tamil lagu daawanayo – 1.10 Crore

Gudaha Hindiya Wadarta Guud Wuxuu Ka Keenay – 30.70 Crore

Suuqyada caalamka wuxuu ka keenay – 3.30 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay & Dibad & Dal – 34 Crore

Saamiga Guud ee Laga Helay Dibad & Dal – 19.50 Crore

Filimka Pailwaan waxaa lagu qarash gareeyay 40 Crore balse kooxda iska leh faa’iido marhore ayay ka heleen waxaana haatan la wada egaa Kooxda cajaladaha 31 Crore ku iibsadeen sida ay ugu soo laaban doonto ilaa iminkana 62.90% ayaa dib ugu soo laabatay lacagihii ay ku iibsadeen waxaana i dhiman 11.50 Crore saami ah si uu mashruucan u guuleesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here