Waan ka xunahay Kangana Ranaut filimkeeda Panga hal todobaad ayuu FLOP ku noqday ama mashruuc guul dareestay madaama filimkan todobaadkiisa kowaad uu keenay 16.50 Crore wuxuuna 10 Crore ganacsi ahaan ka hooseeyaa Deepika Padukone filimkii ay hogaamiye ka ahayd Chhapaak todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay kaasi oo xitaa isagana FLOP noqday.

Sida haatan muuqato filimka Panga cimri ahaantiisa 25 Crore ma dhaafi doono xitaa meesha wey ka baxday rajadii laga qabay inuu 30 Crore gaaro waxaana markii hore la aaminsanaa in filimkan uu gadmi doono madaama fariintiisa la amaanay balse waxaa dhexda gashteen filimada Street Dancer 3D iyo Tanhaji wuxuuna noqday dooqa sedexaad ee daawadayaasha.

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeesay ganacsiga uu sameeyay filimka Panga soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 2 Crore

Sabti – 4.25 Crore

Axad – 5.50 Crore

Isniin – 1.25 Crore

Talaado – 1.20 Crore

Arbaco – 1.20 Crore

Khamiis – 1.10 Crore

Wadarta Guud – 16.50 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here