Home » Box Office » Rasmi: Filimka Parmanu iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Rasmi: Filimka Parmanu iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

John Abraham filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ayaa si wacan isku celiyay wuxuuna sameeyay 50% hoos u dhac todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso inkastoo uu loolan adag kala kulmayo filimka tiyaatarada magaalooyinka waa weyn ku yaalo qabsaday Veere Di Wedding.

Filimka Parmanu wuxuu keenay 9.75 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso haatana wadarta guud ganacsigiisa wuxuu marayaa mudo 10-maalmood ah 44.50 Crore (Trade Figure).

Sida muuqato filimka Parmanu – A Story Of Pokhran darajada 50 Crore wuxuu dhaafi doonaa marka uu todobaadkiisa labaad dhameesto oo haatan afar maalmood kaga harsan waana filim rajo wacan laga qabo inuu guuleesto asigoo xambaarsan miisaaniyad 44 Crore ah.

Fadlan hoos kaga bogo Parmanu iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 10-maalmood sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 34.75 Crore

Jimco labaad – 2.25 Crore

Sabti labaad – 3.25 Crore

Axad labaad – 4.25 Crore

Todobaadka labaad – 9.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 44.50 Crore (Trade Figure)