Home » Box Office » Rasmi: Filimka Parmanu iyo sabtigiisa labaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Rasmi: Filimka Parmanu iyo sabtigiisa labaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

John Abraham filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ayaa ganacsi wacan sameeyay sabtigiisa labaad wuxuuna keenay 3.25 Crore asigoo sare u kac wacan sameeyay balse ganacsigiisa wuu badnaan lahaa ee waxaa caqabad ku noqday filimka Veere Di Wedding oo siweyn magaalooyinka kaga gadmaayo.

Filimka Parmanu wuxuu noqon doonaa mashruuc guuleestay balse rajadii laga qabay inuu 50 Crore gaaro wey adkaan doontaa marka loo eego in filimka Veere Di Wedding uu magaalooyinka waa weyn ka qabsaday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka la wada amaanay Parmanu – A Story Of Pokhran iyo mudo 9-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay:

Todobaadka kowaad – 34.75 Crore

Jimco labaad – 2.25 Crore

Sabti labaad – 3.25 Crore

Todobaadka labaad – 5.50 Crore (mudo 2-maalmood ah)

Wadarta Guud – 40.25 Crore (Trade Figure)