Rasmi: filimka Parmanu iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

John Abraham filimkiisa Parmanu ayaa ganacsi wacan iska wato wuxuuna keenay 3.75 Crore (Trade Figure) maalintiisa shanaad ama Talaadadiisa kowaad.

Filimka Parmanu mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay 28 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 35 Crore qiyaas ahaan waana ganacsi wacan.

Filimka Parmanu sidoo kale Jimcadaan loolan adag ayuu galin doonaa filimada masraxa ku cusbaan doonaan Veere Di Wedding iyo Bhavesh Joshi Superhero waana qasab inuu labadaan filim masraxayada kaga xoog badnaado madaama fariintiisa ka baahsan tahay labadaas filim fariimaha ay xambaarsan yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Parmanu mudo shan maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 4.75 Crore

Sabti – 7.25 Crore

Axad – 8.25 Crore

Isniin – 4 Crore

Talaado – 3.75 Crore

Wadarta Guud – 28 Crore (Trade Figure)

Waa hubaal Parmanu inuu noqon doono John Abraham filimka uu kaligiis hogaamiye ka yahay midkiisa lacagaha ugu badan todobaadka kowaad soo xareeyo asigoo dhaafi doono filimkiisii Madras Cafe oo sanadii 2013 keenay 32 Crore todobaadkiisa kowaad haatana Parmanu 35 Crore ayuu keeni doonaa todobaadkiisa kowaad.

2 Comments

  1. Zxp Ali adan Flimka Rana dugggubati hogaamiya kayahay ee xayawanadka kahadlaayovgooorma la daawan donaa……..

    • Weli waqti looma yeelin duubistiisa ayaa socoto waxaa la rajeynaa qaybaha dambe sanadkaan in la daawado.

Comments are closed.