Home » Box Office » Rasmi: filimka Raazi iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga adag ee uu sameeyay

Rasmi: filimka Raazi iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga adag ee uu sameeyay

Alia Bhatt filimkeeda Raazi ayaa keenay 6 Crore Isniintiisa kowaad taasi oo ka dhigan kaliya 20% hoos u dhac inuu sameeyay marka lala bar bar dhigo Jimcadii ganacsiga uu sameeyay.

Raazi haatan 39 Crore ayuu ku dhow yahay wuxuuna ganacsi ahaan ka badan yahay filimka ay isku miisaaniyada yihiin 102 Not Out mudo 11-maalmood ganacsiga uu sameeyay.

Raazi wuxuu noqday filim laga soo dhaweeyay 20-ka ilaa 22-ka magaalo ee Hindiya ugu weyn taasi oo ka dhigtay ganacsigiisa inuu baaho.

Sida muuqato Raazi todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 54 Crore sidoo kalena Jimcadiisa labaad ganacsiga uu sameeyo ayaa laga cabir qaadan doonaa inuu cimri ahaantiisa 90 Crore ilaa 100 Crore gaari karo.

Fadlan hoos kaga bogo Raazi iyo mudo afar maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 7.50 Crore

Sabti – 11.25 Crore

Axad – 14 Crore

Isniin – 6 Crore

Wadarta Guud – 38.75 Crore (Trade Figure)

2 Responses to Rasmi: filimka Raazi iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga adag ee uu sameeyay

  1. Rasla

    May 15, 2018 at 12:26 pm

    Meqaa lagu qarash gareeyay

    • Zakarie Abdi

      May 15, 2018 at 1:37 pm

      35 Crore ayaa lagu qarash gareeyay