Rasmi: Filimka Race 3 oo hoos u dhac muuqdo sameeyay Talaadadiisa kowaad

Filimka weyn Race 3 ayaa hoos u dhacii ugu weynaa sameeyay Talaadadiisa kowaad asigoo 30% ilaa 35% hoos u dhacay ganacsi ahaana wuxuu keenay 9.50 Crore (Trade Figure).

Waxaa wacneyd in 25% ilaa 30% hoos u dhac inuu sameeyo maalintiisa shanaad balse midaas ma dhicin sidoo kalena ganacsigiisa 9.50 Crore wuu ka hooseyn lahaa balse gobolada UP iyo Bihar ayuu si wacan kaga gadmay xalay gelinkii dambe.

Race 3 mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay 124 Crore (Trade Figure) waana ganacsi wacan balse haatan xaalka ma wanaagsano marka loo eego gaabiskii weynaa ee uu sameeyay maalintii shalay ahayd.

Fadlan hoos kaga bogo mudo shan maalmood ah Race 3 lacagaha uu soo xareeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Jimco – 27.69 Crore

Sabti – 36.25 Crore

Axad – 37 Crore

Isniin – 14 Crore

Talaado 9.50 Crore

Wadarta Guud – 124.44 Crore (Trade Figure)

1 Comment

Comments are closed.