Home » Box Office » Rasmi: Filimka Raju Gari Gadhi 2 mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal

Rasmi: Filimka Raju Gari Gadhi 2 mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal

Super Star Nagarjuna iyo Samantha filimkooda cabsida iyo shactirada isku jiro Raju Gari Gadhi 2 sidoo kalena laga wada helay ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal.

Shabakada Andhara Boxoffice ayaa soo daabacday filimka Raju Gari Gadhi 2 ganacsiga uu sameeyay mudo sedex maalmood ah wuxuuna sameeyay ganacsi wacan.

Sida la xaqiijiyay filimka Raju Gari Gadhi 2 sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso wuxuu keenay 21.20 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena saami ahaan waxaa laga helay 12.20 Crore.

Filimka Raju Gari Gadhi 2 kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan waxay ku iibsadeen 24 Crore sidaa darteed sedex maalmood ayay 12.20 Crore ayay dib kaga heleen taasi oo ka dhigan 50.83% lacagihiisa uu dib usoo celiyay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raju Gari Gadhi 2 suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay sida shabakada Andhara Boxoffice ay soo daabacday mudo sedex maalmood ganacsigiisa:

Dhul weynaha Telugu Nizam/AP wuxuu ka keenay 15.40 Crore waxaaana saami ahaan laga helay 10.05 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 2.75 Crore waxaaana saami ahaan laga helay 1.10 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 1.85 Crore waxaaana saami ahaan laga helay 65 Lakh

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.20 Crore waxaaana saami ahaan laga helay 40 Lakh

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay 21.20 Crore, Saamiga Guudna Waxaa laga Helay 12.20 Crore

Kala saarida natiijada uu gaari karo filimka Raju Gari Gadhi 2:

Blockbuster wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 36 Crore+

Super Hit wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 28.80 Crore ilaa 35.99 Crore

Hit wuxuu ku nqoon karaa marka saami ahaan laga helo 24 Crore ilaa 28.79 Crore

Above Average wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 21.60 Crore ilaa 23.99 Crore

Average wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 19.20 Crore ilaa 21.59 Crore

Flop wuxuu ku ku noqon karaa saami ahaan marka laga helo 16 Crore ilaa 19.19 Crore

Disaster wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 16 Crore iyo wiixi ka hooseeyo.

4 Responses to Rasmi: Filimka Raju Gari Gadhi 2 mudo sedex maalmood ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal

  1. irshaaad

    October 16, 2017 at 9:58 am

    Asc Sxb Zakarie aaad baaan kuu tabney labadii maalin lasoo dhaafay…aat baan uwalwalsanaa sxbkin manabad qabaa Cml…soo dhawoow walaal qaali ah 😇

    • Zakarie Abdi

      October 16, 2017 at 10:00 am

      Wsc haa walaal waa nabad qabaa waa Alle mahadiis, mahad sanid in badan.

  2. irshaaad

    October 16, 2017 at 11:19 am

    Adiga mudan brother

  3. salman khan fans

    October 16, 2017 at 1:48 pm

    flinside jiroo joog
    I mean long life