Superstar-ka awooda badan Nandamuri Balakrishna ee adeer u ah Jr. NTR filimkiisa ugu dambeeyay Ruler wuxuu noqday mid siweyn u bur buray waxaana mashruucan Telugu ah tiyaatarada la saaray 20 December 2019. Inkastoo filimkan lagu hami weynaa madaama uu Action dhameestiran haddane daadka ayaa qaaday.

Filimka Ruler ee uu Director ka ahaa KS Ravi Kumar wuxuu cimri ahaantiisa soo xareeyay 12.50 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna ka heleen qolyaha cajaladaha qeybiyaan 7.50 Crore ayagoo ku iibsadeen 24 Crore taasi oo ka dhigan in filimkan Triple Disaster noqday micnaha Sedex Jeer ayuu Bur buray madaama 1/3 ama sedex meelood hal meel ka mid ah kaliya soo celiyay lacagtii lagu iibsaday!

Filimka Ruler oo Telugu ah suuq walbo lacagaha uu ka keenay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO) fadlan hoos kaga bogo waxaana ku dhacay jab weyn Balakrishna:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 10.60 Crore, saamiga laga helay 6.70 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 0.90 Crore, saamiga laga helay 0.45 Crore.

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1 Crore, saamiga laga helay 0.35 Crore.

Wadarta Guud Ganacigiisa Dibad & Dal 12.50 Crore, Saamiga Guud Laga Helay 7.50 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here