Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday filimka weyn Saaho ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal xili mashruucan uu ku dhow yahay inuu tiyaatarada isaga dago.

Filimka Saaho ganacsigiisa gudaha Hindiya dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo wuxuu ku istagaayaa ganacsigiisa 295 Crore ($41.39m) waa lacagta nadiifka ah wuxuuna ka gaabiyay mashruucan 300 Crore nadiif ah soo xareeyo wuxuuna ganacsi ahaan la mid noqonaa filimka Padmaavat oo gudaha Hindiya dhamaan luqadaha lagu daawaday kusoo xareeyay 295 Crore oo nadiif ah.

Saaho ganacsiga ugu wanaagsan qaybta Af Hindiga ayuu ka sameeyay madaama 150 Crore uu suuqaas ka keenayo halka suuqa filimkan laga leeyahay Telugu AP/Nizam uu kasoo xareeyay 112 Crore waana arin muujineyso in Koonfurta filimkan ku fashilmay laakiin dhanka waqooyi ganacsi heer sare ah ka sameeyay.

Saaho suuqyada caalamka wuxuu ganacsigiisa ku istaagi doonaa $11.50 million sidoo kalena ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray wuxuu ku istaagi doonaa 415 Crore ilaa 420 Crore ($58.23m-$58.93m) sidaasna wuxuu ku noqonayaa filimka 14-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo ganacsiga dibad iyo dal la isku daray (Worldwide Gross) la xisaabiyo.

Madaama kooxda cajaladaha qeybiyaan filimka Saaho ku iibsadeen 290 Crore wuxuu mashruucan ku noqon karaa mid guuleestay ama Average ah marka saamiga guud dibad iyo dal la isku daray dib looga helo 232 Crore ilaa 260.99 Crore balse Saaho hadda waxaa dib looga helay 218 Crore ilaa 220 Crore sidaa darteed Saaho sida guud Flop ayuu noqonayaa inkastoo qaybta Af Hindiga kaliya HIT ka noqday.

Fadlan hoos kaga bogo Saaho iyo ganacsigiisa gudaha Hindiya oo kaliya dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waana lacagta nadiifka ah canshuurta kadib:

Todobaadka kowaad – 253.17 Crore

Todobaadka labaad – 35.24 Crore

Todobaadka sedexaad – 4 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 292.41 Crore (All India Language Business).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here