Superstar Prabhas filimkiisa Saaho kaliya qaybta Af Hindiga lagu daawanayo ayuu ganacsi wanaagsan ka sameenayaa madaama 70% iyo ka badan hoos u dhac ka sameeyay dhanka Koonfur Hindiya marka uu guda galay todobaadkiisa labaad waana arin muujineyso in dhanka Koonfurta mashruucan Flop ka noqon doono.

Saaho gobolka Telugu gaar ahaan AP/Nizam shalay oo Jimco ahayd wuxuu ka keenay 1.25 Crore halka qaybta Af Hindiga lagu daawanayo keenay isla shalay 3.50 Crore waa sheeko soo koobeyso in Koonfurta Saaho siweyn ugu fashilmay ganacsi ahaan waana arin niyad jab ah in filimkan suuqiisa kowaad laga diido halka suuqa labaad uu ka gadmaayo.

Filimka Saaho maalintiisa 8-aad wuxuu keenay 5.25 Crore ($732k) dhamaan luqadaha lagu daawanayo ganacsi ahaan marka la isku daro wuxuuna mudo 8-maalmood ah soo xareeyay lacagaha nadiifka ah wadarta guud dhamaan luqadaha lagu daawanayo 261.75 Crore ($36.51m).

Hubaal ahaan Saaho wuu ka gaabin doonaa 300 Crore nadiif ah inuu gudaha kasoo xareeyo dhamaan luqadaha lagu daawanayo waana halka uu ku bad baadi lahaa ama Average ku noqon lahaa dhamaan ganacsigiisa kala duwan waxaana ugu wacan sida weyn uu dhanka Koonfurta hoos u dhac waali ah kaga sameenayo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Saaho mudo 8-maalmood ah dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameenayo oo la isku daray soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 88 Crore

Sabti – 51 Crore

Axad – 51 Crore

Isniin – 31 Crore

Talaado – 16 Crore

Arbaco – 10.50 Crore

Khamiis – 9 Crore

Todobaadka kowaad – 256.50 Crore

Jimco labaad – 5.25 Crore

Wadarta Guud – 261.75 Crore (All India Language Business – Dhamaan luqadaha kala duwan ee lagu daawanayo gudaha Hindiya)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here