Prabhas iyo Shraddha Kapoor filimkiisa Saaho ayaa hoos u dhac weyn sameeyay Arbacadiisa labaad qaybta Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna keenay 1.75 Crore ($245k) wuxuuna sameeyay 40% hoos u dhac ah balse waxba uma dhimeyso madaama uu marhore shaqeestay waana filim HIT ah qaybta Af Hindiga lagu daawanayo.
Filimkan ayaa mudo 13-maalmood ah soo xareeyay 136.50 Crore ($19.12m) waxaana muuqato in filimkan 142 Crore ilaa 144 Crore cimri ahaantiisa ku istaagi doono haddii luqada kale gudaha Hindiya looga daawan laheyn oo Af Hindi kaliya lagu daawan lahaa filimka Saaho cimri ahaantiisa wuxuu gaari lahaa 155 Crore.
Fadlan hoos kaga bogo filimka Saaho iyo ganacsigiisa uu sameenayo qaybta Af Hindiga lagu daawanayo mudo 13-maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):
Todobaadka kowaad – 115 Crore
Jimco labaad – 3.50 Crore
Sabti labaad – 4.50 Crore
Axad labaad – 6.25 Crore
Isniin labaad – 2.50 Crore
Talaado labaad – 3 Crore
Arbaco labaad – 1.75 Crore
Todobaadka labaad – 21.50 Crore (mudo 6-maalmood ah)
Wadarta Guud – 136.50 Crore (Trade Figure)