Superstar Prabhas filimkiisa Saaho ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay todobaadkiisa labaad wuxuuna keenay 23 Crore ($3.24m) qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna haatan soo xareeyay 138.25 Crore ($19.48m) waana HIT dhameestiran qaybta Af Hindiga lagu daawanayo mduo 14-cish ah ganacsiga uu sameeyay.

Filimka Saaho wuxuu sameeyay 80% hoos u dhac ah todobaadkiisa labaad laakiin todobaadka kowaad ganacsigii weynaa ee uu sameeyay ayaa ku filnaatay filimkan inuu HIT noqdo.

Filimka Saaho waxay u badan tahay todobaadyada sedexaad iyo afaraad inuu ganacsi kooban sameyn doono kadibna cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 145 Crore sida ay sadaalineyso shabakada Boxoffice India (BOI) sidoo kalena 75 Crore saami ah ayay kooxda cajaladaha qeybiyaan filimkan ka heli doonaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Saaho iyo mudo labo todobaad ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115 Crore

Todobaadka labaad – 23 Crore

Wadarta Guud – 138 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here