Prabhas filimkiisa Saaho ayaa ganacsi adag sameeyay Talaadadiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($418k) wuxuuna siweyn kaga faa’iideestay fasaxa maalinta Cashuura oo weli gobolo badan Hindiya shalay ka jiray waxayna ka dhigan tahay ilaa iminka todobaadkiisa labaad shanta maalmood ugu horeyso ku dhawaad 20 Crore inuu keenay sidoo kalena 24 Crore ayuu gaari doonaa marka uu dhameesto marka kaga harsan labada maalmood todobaadkiisa labaad waana ganacsi adag.

Filimka Saaho haatan mudo 12-maalmood ah wuxuu ah wuxuu soo xareeyay 135 Crore ($18.84m) waa qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya sidaasna wuxuu ku noqday filimka 7-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo aflaanta Af Hindiga lagu daawaday 2019 waxaana macquul ah kaalinta uu hadda ku jiro hal darajo inuu sare kaga soo kaco.

Filimka Saaho oo HIT noqday qaybta Af Hindiga lagu daawanayo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay qaybta Af Hindiga fadlan hoos kaga bogo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 115 Crore

Jimco labaad – 3.50 Crore

Sabti labaad – 4.50 Crore

Axad labaad – 6.25 Crore

Isniin labaad – 2.50 Crore

Talaado labaad – 3 Crore

Todobaadka labaad – 19.75 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 134.75 Crore (Trade Figure)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here