Ugu dambeyntii Director Mahesh Bhatt ayaa ku dhawaaqay filimkiisa la wada sugaayay Sadak 2 xiliga si Online ahaan loo daawan doono madaama mashruucan horey looga iibiyay barta Disney+Hotstar waxaana hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Pooja Bhatt, Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur halka Gulshan Grover uu laadar ka yahay.

Haatan Sadak 2 waxaa si Online ah ama Internet-ka laga daawan doonaa 28 ka bishan August oo barta Disney Plus Hotstar ayaa laga daawan doonaa waana filim weyn oo tiyaatarada la saari lahaa haddii xaalada caadi ahaan laheyd balse saameynta Karoona awgeed ayaa filimkan haatan Internet-ka looga daawan doonaa.

Sadak 2 waa qaybta labaad ee filimkii Sadak oo uu Mahesh Bhatt sameeyay sanadii 1991 wuxuuna noqday Hit weyn ayadoo Sanjay Dutt iyo Pooja Bhatt hogaamiyaal ka ahaayeen balse markaan qaybta labaad waalidiin ayay ku matali doonaan halka halka Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur doorka hogaaminta qaadan doonaan.

Durba baraha bulshada waxaa ka bilaabatay weerar xoogan oo lagu qaadayo qoyska reer Bhatt madaama Mahesh Bhatt lagu eedeenayo inuu ku lug lahaa dhimashadii Sushant Singh Rajput sababtoo ah filim sameeyahan waxaa la sheegay inuu xiriir qarsoodi ah la lahaa Sushant saaxiibtiis Rhea Chakraborty oo haatan maxkamad laga dacweeyay waxayna dadka badankooda leeyihiin ma daawan doono Sadak 2 mana u baahnin labo wajiile filimkiisa inkastoo Mahesh Bhatt iyo labadiisa gabdhood Alia iyo Pooja ka gaabdsadeen inay murankan dhexda ka galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here