Filimka Shikara ayaa shalay oo sabti aheyd sare u kac sameeyay wuxuuna sarey u kacay ilaa 50% balse intaas ka badan ayaa laga filaayay.

Shikara ayaa shalay soo xareeyay 1.70 crore taasoo ka dhigan in wadarta guud mudo labo maalin uu filimkaan maraayo 2.85 crore waana ganacsi hoose.

Shikara waxay aheyd inuu shalay sare u kac 80% ilaa 100% sameeyo si ganacsigiisa isniinta uu ila sinmo midkii jimcadiisa koowaad uu soo xareeyay oo uusan 1 crore kaga hoos marin balse taas haatan ma muuqato.

Maanta oo axad ah waa maalin fasax filimkaan jaanis fiican ayuu heystaa misna uu kusii tartami karo haduu ka faaideysto fasaxaan.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Shikara iyo mudo 2 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 1.10 crore

Sabti; 1.70 crore.

Wadarta guud; 2.85 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here