Home » Box Office » Rasmi: Filimka Stree iyo mudo 12-maalmoo ah ganacsiga uu sameeyay 87 Crore ayuu sii caga cageenayaa

Rasmi: Filimka Stree iyo mudo 12-maalmoo ah ganacsiga uu sameeyay 87 Crore ayuu sii caga cageenayaa

Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor filimkooda Stree ayaa 3 Crore (Trade Figure) keenay Talaadadiisa labaad haatana mudo 12-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 87 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato mudo labo todobaad ah filimkan inuu ganacsigiisa gaari doono 93 Crore.

Stree waxaa muuqato inuu todobaadkiisa labaad keeni doono 33 Crore asigoo noqon doono filimka afaraad ee lacagaha ugu badan sanadkan 2018 soo xareeyo todobaadkiisa labaad sidoo kalena wuxuu ka mid noqon doonaa 25-ka filim ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyo.

Stree qiyaasta xili hore waxay muujinee in ganacsigiisa ku istaagi doono 115 Crore ilaa 125 Crore balse wax walbo waxay ku xirnaan doontaa sida ay u saameyn karaan filimada Jimco walbo tiyaatarada ku cusub.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Stree iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 59.31 Crore

Jimco labaad – 4.35 Crore

Sabti labaad – 7.75 Crore

Axad labaad – 9.50 Crore

Isniin labaad – 3.25 Crore

Talaado labaad – 3 Crore

Todobaadka labaad – 27.85 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 84.16 Crore (Trade Figure)