Home » Box Office » Rasmi: Filimka Stree iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay 93.50 Crore ayuu sii caga cageenayaa!

Rasmi: Filimka Stree iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay 93.50 Crore ayuu sii caga cageenayaa!

Rajkumar Rao iyo Shraddha Kapoor filimkooda Star ee ayaa feestadii Ganesh Chaturthi shalay oo khamiis ahayd ka faa’iideestay wuxuuna siweyn kaga gadmay gobolka Maharashtra weliba ganacsigiisa wuxuu sare u kacay 20% ilaa 25% taasi oo ka dhigneyd Khamiistiisii labaad inuu keenay 3.50 Crore ilaa 3.75 Crore u dhaxeeyo.

Stree todobaadkiisa labaad wuxuu keenay 34 Crore taasi oo ka dhigan mudo labo todobaad ah ama 14-cisho inuu filimkan soo xareeyay 93.50 Crore (Trade Figure).

Waxaa cajiib ah Stree todobaadka labaad inuu ka ganacsi badiyay filimka Baaghi 2 halka uu ku ganacsi noqday filimka Raazi sidaa darteed Stree wuxuu noqonayaa filimka sedexaad ama afaraad ee todobaadka labaad sanadkan lacagaha ugu badan soo xareeyo waana guul weyn kooxda Stree gaareen.

Jimcadan ama Jimcadiisa sedexaad ee uu Stree tiyaatarada saaran yahay ayaa laga cabir qaadan karaa ganacsiga uu sameeyo in mashruucaan 120 Crore cimri ahaantiisa ku istaagi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Stree iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 14-cisho ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 59.31 Crore

Jimco labaad – 4.35 Crore

Sabti labaad – 7.75 Crore

Axad labaad – 9.50 Crore

Isniin labaad – 3.25 Crore

Talaado labaad – 3 Crore

Arbaco labaad – 3 Crore

Khamiis labaad – 3.50 Crore

Todobaadka labaad – 34.35 Crore

Wadarta Guud – 93.66 Crore (Trade Figure)