Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor filimkooda Street Dancer 3D ayaa soo xareeyay 39 Crore sedexdiisa maalmood ugu horeyso sida ay shaaca ka qaaday shabakada Boxoffice India (BOI) waana ganacsi dhex dhexaad ah marka loo fiiriyo filimkii ABCD 2 oo ay Varun iyo Shraddha sameeyeen sanadii 2015 inuu soo xareeyay 46 Crore sedexda maalmood ugu horeesay.

Filimka Street Dancer 3D sedexda maalmood ugu horeyso 50 Crore ganacsi ahaan wuu gaari lahaa ama ABCD 3 ayuu la mid noqon lahaa ganacsigiisa waa haddii magaca ABCD 3 loo bixin lahaa balse midaas ma aysan dhicin haatana filimkan waxaa laga rabaa maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis inuu ganacsi ahaan is celiyo.

Filimka Street Dancer ganacsigiisa ugu wanaagsan wuxuu ka sameeyay Mumbai hareeraheeda iyo Andhra/Nizam balse suuqyadan xitaa waxaa kaga awood badan filimka Tanhaji oo ganacsi waali ah ka sameenayo sidaa darteed Varun iyo Shraddha filimkooda sidii laga filaayay ganacsi ahaan wuu ka gaabiyay balse rajada ma xumo haddii uu si adag isku celiyo inta todobaadkiisa kowaad ka harsan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Steer Dancer 3D iyo sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsiga uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 12.50 Crore

Axad – 17 Crore

Wadarta Guud – 39 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here