Waan ka xunahay Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor filimkooda Street Dancer 3D hoos u dhac 55% ayuu sameeyay Isniintiisa kowaad waxaana u fiicnaan laheyd 10% ilaa 15% hoos u dhac inuu sameeyo madaama sedexdiisa maalmood ugu horeesay ganacsi dhex dhexaad ah u sameeyay.

Haddaba filimka Street Dancer wuxuu keenay 4.25 Crore (Trade Figure) Isniintiisa kowaad taasi oo ka dhigan mudo afar maalmood ah inu soo xareeyay 43.25 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato mashruucan in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 52 Crore ilaa 53 Crore waana ganacsi liito madaama markii hore la qabay rajo ahayd lacagahan sedexda maalmood ugu horeyso inuu ku keeni karo.

Filimkan tiyaatarka ganacsi adag kama sii sameyn doono waxaana muuqato wixii ka dambeeyo todobaadkiisa kowaad inuu hoos uusii socon doono balse aqbaarta wanaagsan waxay tahay Varun iyo Shraddha qasaaro malagala kulmi doono waayo kooxda iska leh marhore waxay heleen daqli gaaro 65 Crore iibinta xuquuqaha Satellite-ka, Digital-ka iyo Muusigada sidoo kalena 18 Crore ilaa 20 Crore waxay kooxdan ka heleen dowlada UK gaar ahaan waaxda socdaalka iyo dalxiiska madaama filimkan lagu UK badankiisa laguna soo bandhigay bilicda dalkan si dalxiisayaasha caalamka marka ay daawadaan filimkan UK ugu soo dalxiis tagaan.

Laakiin sida dhawaanahan aan aragneyba filim walbo oo Bollywood-ka sameeyaan kooxda iska leh lacagtooda wey ka helaan madaama xuquuqaha kala duwan ay iibiyaan ku filan tahay laakiin waxaa qasab ah filimka inuu tiyaatarka ganacsi wanaagsan ka sameeyo waa mid hogaamiyaasha filimka anfaceyso waayo Shraddha iyo Varun waxaa anfaceyso in filimkooda ganacsi heer sare ah tiyaatarka ka sameeyo oo kooxaha tiyaatarada iska leh iyo kuwa cajaladaha qeybiyaan macaash ka helaan si awoodooda xidignimo u jirto beritana u helaan mashaariic tayo wanaagsan leh.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Street Dancer 3D iyo mudo afar maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 9.50 Crore

Sabti – 12.50 Crore

Axad – 17 Crore

Isniin – 4.25 Crore

Wadarta Guud – 43.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here