Filimka weyn Sye Raa Narasimha Reddy ee Mega star Chiranjeevi hogaamiye ka yahay ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay madaama 13.50 Crore ($1.90m) lacagta nadiifka ah ganacsigiisa gudaha Hindiya dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo.

Filimka Sye Raa Narasimha Reddy mudo afar maalmood ah wadarta guud wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 107 Crore ($15.10m) lacagta nadiifka ah canshuurta kadib dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo la isku daray.



Fadlan hoos kaga bogo luqad walbo lagu daawanayo filimka Sye Raa Narasimha Reddy lacagaha nadiifka ah ama canshuurta kadib uu ka keenay mudo afar maalmood ah:

Af Telugu – 95 Crore

Af Hindi – 5.20 Crore

Af Tamil – 0.95 Crore

Af Kannada – 0.54 Crore

Af Malayalam – 0.31 Crore

Wadarta Guud – 107 Crore (All India Language Net Money)

Dhinaca kale filimka Sye Raa ganacsigiisa gudaha Hindiya dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo canshuurka ka hor wuxuu keenay 122.50 Crore ($17.29m) mudo afar maalmood ah.

Sidoo kale filimka Sye Raa suuqyada caalamka wuxuu kasoo xareeyay 30 Crore ($4.23m) waana ganacsi heer sare ah oo muujinaayo in Chiranjeevi filimkiisa suuqyada caalamka siweyn uga gadmaayo afartiisa maalmood ugu horeyso.

Ugu dambeyntii filimka Sye Raa ganacsigiisa guud dibad iyo dal marka la isku daro wuxuu mudo sedex maalmood ah soo xareeyay 152.50 Crore ($21.53m).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here