Mega Star Chiranjeevi filimkiisa weyn ee Telugu ama Tollywood ah Sye Raa ayaa todobaadkiisa kowaad ganacsi wanaagsan sameeyay wuxuuna keenay 189.20 Crore ganacsgiisa dibad iyo dal sidoo kalena kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 114.45 Crore.

Filimka Sye Raa ganacsiga ugu wanaagsan wuxuu ka sameeyay dhul weynaha Telugu AP/Nizam asigoo ka keenay 123.9 Crore canshuurta ka hor halka canshuurta kadib uu dhulkan kasoo xareeyay 110.90 Crore oo nadiif ah saami ahaana waxaa laga helay 82.25 Crore waa gobolka Telugu oo kaliya.

Shabakada Andhra Boxoffice (ABO) oo soo daabacday filimka Sye Raa suuq walbo ganacsiga uu ka keenay fadlan hoos kaga bogo todobaadkiisa kowaad:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam – canshuurta ka hor (123.90 Crore, canshuurta kadib (110.90 Crore), saamiga laga helay (82.25 Crore).

Gobolka Karnata – canshuurta ka hor (22.70 Crore, canshuurta kadib (19.30 Crore), saamiga laga helay (13.25 Crore).

Gobolka Tamilnadu – canshuurta ka hor (3.50 Crore, canshuurta kadib (3.10 Crore), saamiga laga helay (1.70 Crore).

Gobolka Kerala – canshuurta ka hor (1.50 Crore, canshuurta kadib (1.30 Crore), saamiga laga helay (0.65 Crore).

Hindiya inteeda kale – canshuurta ka hor (12.60 Crore), canshuurta kadib (10.90 Crore, saamiga laga helay (5 Crore).

Wadarta Guud gudaha Hindiya – canshuurta ka hor (164.20 Crore, canshuurta kadib (145.50 Crore, saamiga laga helay (102.85 Crore).

USA/Canada wuxuu ka keenay – canshuurta ka hor (16.20 Crore), saamiga laga helay (8.10 Crore).

Dunida inteeda kale – canshuurta ka hor (8.80 Crore), saamiga laga helay (3.50 Crore).

Wadarta Guud Dibad & Dal Lacagaha Uu Keenay, canshuurta ka hor (189.20 Crore), saamiga laga helay (114.45 Crore).

Filimka Sye Raa kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 200 Crore waxaana dib ugu soo laabatay 114.45 Crore taasi oo ka dhigan in 57.22% lacagtiisa dib inuu soo celiyay balse weli shaqo adag ayaa hortaalo waa inuu todobaadkiisa labaad siweyn usii gadmaa.

Filimka Sye Raa wuxuu todobaadkiisa kowaad ku noqday filimka 4-aad ee Telugu sameeyeen kaasi oo lacagaha ugu badan soo xareeyo dibad iyo dal marka la isku daro.

Filimka Sye Raa wuxuu ku wanaagsan yahay Telugu halka dhamaan gobolada kale mashruucan ganacsi dhex dhexaad iyo mid hooseeyo uu todobaadka kowaad ka sameeyay inkastoo miisaaniyad xoogan uu xambaarsan yahay filimkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here