Filim walbo darajadan ma gaari karo ee aflaan naadir ah ayay u suura gashaa in todobaadkooda 6-aad ganacsi ahaan 5 Crore gaaraan ama ka talaabaan waxaana liiskan haatan ku biiray filimka Blockbuster-ka taariikhiga ah noqday waa Tanhaji – The Unsung Warrior kadib markii todobaadkiisa 6-aad 5 Crore uu keenay haatana wuxuu ganacsigiisa wadarta guud marayaa mudo lix todobaad ah 265 Crore (Trade Figure).

Tanhaji – The Unsung Warrior wuxuu noqday taariikh ahaan filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa lixaad waxaana ka ganacsi badan oo kaliya todobaadka 6-aad aflaanta Classic ah oo ay ka mid yihiin Uri – the Surgical Strike, Gadar – Ek Prem Katha, Badhaai Ho iyo Bahubali – The Conclusion.

Waxaana xusid mudan in Tanhaji todobaadka lixaad ganacsi ahaan uu garaacay aflaanta waa weyn sida 3 idiots, PK, Dangal iyo Padmaavat asigoo farqi weyn kaga talaabay ganacsi ahaan mana hakanaayo Superstar Ajay Devgn filimkiisa wuxuuna masraxa sii saarnaan doonaa ilaa 3 bisha Maarso.

Filimka Tanhaji haatan Mumbai iyo hareeraheeda wuxuu kaso xareeyay 140 Crore waana ganacsi waali ah oo horey filim Bollywood ah suuqan kaga sameynin sidoo kalena filimkan wuxuu ku socdaa cimri ahaantiisa sida uu ku gaari lahaa 270 Crore sida shabakada BOI sadaalineyso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Tanhaji iyo mudo lix todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 115.28 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 77.87 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 38.48 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 19.31 Crore (rasmi)

Todobaadka shanaad – 8.90 Crore (rasmi)

Todobaadka lixaad – 5.10 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 264.94 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here